Wednesday, January 24th, 2018

Abuu Mansuur Iyo Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Oo Gaaray Dagmada Xudur Ee Gobalka Bakool+Sawirro

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool  maanta gaaray Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo horay u ahaa hogaamiye  ku-xigeenkii  Al-shabaab oo dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaliya.

Waxaa ku wehlinaya socdaalkiisa Mukhtaar Rooboow Ee Degmada Xudur Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Xukuumaddan Xasan Cali Kheyre Abdirashiid Cabdulaahi Maxamed, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan.

Waxaa garoonka diyaaradaha Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) kusoo dhaweeyay madax katirsan maamulka koofur galbeed, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamo ka Amar qaata Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo ku sugan deegaanka Abal in la keeni doono Degmadda Xudur islamarkaana ay ku biiri doonaan Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaliya.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” u tagay Magaalada Xudur ee xarunta Gobolkaasi Bakool.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxa jiray dadaalo dowladda Soomaaliya ay waday oo ku aadan sidii uu uga qeyb qaadan lahaa dagaalka ka dhanka Ah Al Shabaab.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!