Wednesday, January 24th, 2018

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay madaxweynihii hore ee Somalia (Daawo Sawirro)

Published on November 20, 2017 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo xiligan gaar ahaan siyaasada iyo amaanka, waxaana kulankan uu ahaa mid xasaasi ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane Shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

“Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Shariif ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin dhowaanahan dhaqdhaqaaq looga horjeedo dowlada Somalia ka waday dalka Imaaraatka Carabta Kuwaasoo ka soo horjeeday go’aanka dhexdhexaadnimada ah ee dowlada Somalia ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!