Wednesday, January 24th, 2018

C/wali Gaas oo u dhoofay dalka Itoobiya, kana hadlay ujeedada Safarkiisa (Daawo Sawirro)

Published on November 20, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa maanta Safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ethiopia.

Gaas iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Kanoko ee Magaalada Garoowe ku sii sagootiyey Madaxweyne ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, qaar ka midda saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda safarkisa ayaa sheegay inuu dalka Ethiopia gaar ahaan caasimadda dalkassi u aadi doono arrimo la xidhiidha Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in safarkiisu qaadan doono muddo shan cisho ah.

“Waxaan saaka u safraynaa aniga iyo wefdigayguba magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo aan ku tegi doono socdaal muddo shan cisho ah oo ah safar shaqo, kaas oo aanu rabno inaanu dawladda Ethiopia kala soo xaajoono hawlo badan oo la xidhiidha dhanka Amniga, Ganacsiga iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in isaga iyo weftigiisuba kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi ugu saraysa, isla markaana ay kala xaajoon doonaan arrimaha kor-ku xusan.

Gaas ayaa mudada uu hayo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa uu safaradisii ugu badnaa ku tagay dalka Itoobiya.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!